Qaxooti Soomaali ah oo dalka Uganda ugu geeriyooday Gaajo iyo COVID-19

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

Waxaa la sheegay sababta ay u geeriyoodeen in ay tahay caawinaad la’aan  maadaama dalka Uganda uu ku jiro xayiraad ka dhan ah fayraska Covid19.

Khalis Muhammad oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Uganda oo la hadlay wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u dhinteen viruska.

“Ma gaari karno kuwa u baahan sababo la xiriira xirida COVID-19. Qaxootiga waxay ku baahsan yihiin xaafadaha caasimada, si ay caawimaad u helaan” ayuu yiri Khalis Muhammad.

Wuxuu sheegay inay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala, laakiin aysan gaari karin dadka u nugul xayiraadaha jira awgood.

Lixdii Juun, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay xayiraad dalkoo idil  sababo la xiriira caabuqa sii kordhaya ee waddankaas.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Uganda, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka ayaa gaadhay 87,277, iyada oo 2,104 ay dhinteen halka 61,304 oo laga soo kabtay.

Source: Hiiraan Online