Qiso cajiib ah:- Intaa xil haysid xaalku waa samir iyo soon.

Xilka iyo xubiga kala dooro! Qiso dhab ah !

Wiil aan asxaabo dhow nahay ayaa maalin igu yiri saaxiibeey ragg badan oo gayaankaaga ah baa guur ku soo bandhigtayee maa iska aroostid?

Waxaan dhahay inta aan xilkaan haaya ma aroosi karo.

Waxuu yiri maa xeerka boliiska sidaa qaba mise waa jeebkaada? Waana buufis badan tahayee warka xaqiiqadiisa iisheeg!

Intaa qoslay ayaa ku dhahay ninyahoow waxaa la aroosi karin inta aan xilkaan haayo waa sadax arrimood awgeed;

1) Hadii nin muxaafid ah aan is aroosno waxaa la leeyahay waxeey xilka ku heshay/heysataa odigeed ayaa team N & N ah. Haduu mucaarad yahayna waaba waa iska fahmi kartaa xaalku

2) Hadii nin qaraabada ah aan is aroosno madaamo tolka ay firqo badanyihiin firqada aan ka aroosay mooyee inta kale weey caroonaayaan. Hadaa u cadaalad faro oo wixii qaraabada ah aan ka bootiyo tolka waxeey u tagayaan madaxweynaha waxeeyna ku dhahaayaan, Madaxweyne xilka aad na siisay reer kalaa ku shaqeeysanaaya.

3) Hadii aan sarkaal iga darajo hooseeyo arooso waxaa la dhahaa miskiinka inta ay diktoonow gelisay ayee aqbalto xoog ooga ka keentay. Ragga aan isku xilka aan nahay badankood waaba ragg i dhali kara oo tabar ma u haayo. Inkastoo da’ ahaan isku dhawnahay Gen Odowaa hadana iskuma xiran karno waayo labo generaalo oo dabeecad kulul ayaa nahay hadaa is dagaalnana waxaa aroortii lagu soo toosaa Haramacad iyo Gorgor oo dashiika isla dhacaaya. Waana la arkay gabar iyo wiil taliyaal ah oo ciidankooda is dileen iyagoo u kala hiilinaaya mid walba taliyihiisa!

Sidaa darteed inta aan xilka haayo waxaa ii furan kaliya samir iyo soon ayaa ku iri. Dar Alle ayuu u qancay!

Sadax bilood ka dib, xalay ayuu isoo wacay. Waxuu yiri sxbeey warkaa maalin hore igu dhahaysay ayaa soo xaqiiqsaday manta!

Oo maxaa dhacay ayaa ku iri.

Waxuu igu yiri guddiga doorashooyinka oo la isku heystay waxaa ku jirtay gabar sidaa oo kale aad u firfircoon waxaana guddiga looga saaray hebel oo ay qaraabo dhow yihiin nin ka mid ragga dalka ugu sareeya ayaa shukaansado! Marka waxaa qiraayaa in xisaabta aad isku dhufsatay ay saxantahay ee markaa xilka ka soo dagtid ayaa tartanka Premier liiga generaalada sugeeynaa!

Xilka xaragadiisa aragteenee bal nala eega xanuunkiisa. Intaa xil haysid xaalku waa samir iyo soon….🤐

NB; Marxaladaan waa dhib haysta kaliya gabdhaha xilal sare haaya, ragga dhigaheenaa ah xaalkooda waa فَٱنتَشِرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ

W/Q:Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed, Gen Sakia Xuseen.