Qiso Cajiib Ah:- Xafso Luqmaan waxaa la afduubay iyadoo salaad ku jirto.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sakariye Maxamed Luqmaan oo la dhashay Xafso ayaa sheegay in walaashii markii la afduubayay ayaa salaad ku jirtay.

“Saaxiibteed ayaa u waday mel la yiraahdo Kayole. Salaaddii Maqribka ayaa la gaaray. Iyadoo sujuud ku guda jirta ayay laba nin soo galeen oo ay xoog ku wateen oo qashin ayay afka uga gureen si aysan u qeylinin, wayna ceejiyeen. Dhaawaca ay qabta, markii la afduubayay ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Sakariye.

Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna haatan loola cararay cisbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.

“Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”

Waxay booliska qabteen nin 24 jir ah oo la sheegay in uu ka qeyb ka ahaa dadkii afduubtay Xafso Maxamed Luqmaan

“Nin 24 jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray, haatana waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad ugu bixiyo falalka afduubka ah si uu uga caawiyo in lasoo qabto dambiilayaasha kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska.

Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal lamid ah dambigan isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxihii gabadha afduubtay ay isaga carareen goobta ka hor inta aysan soo gaarin booliska, sida uu ku warramaya wargeyska The Standard.

Xafsa ayaa laga soo furtay burcad ay ugu afduubneyd magaalada Nairobi, ayaa xalaadeeda ay wanaagsan tahay iyadoo wali ku jirta isbitaalka, sida ay sheegen xubna ka tirsan qoyskeeda.

Booliska Kenya ayaa shalay sheegay inay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan Xafso Maxamed Luqmaan. Waxaa lagu hayay guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.