Qisooyin cajiib ah oo saaka laga diwaan geliyey doorashada golaha deegaanka Puntland.

Doorashada Golaha Deegaank Puntland
Doorashada Golaha Deegaank Puntland

GAROWE-AYAAMAHA-Waxaa shalay soo dhammaday ololihii isu soo baxyada ururada ee ay kula hadlayeen taageerayaashooda saddexdaani dagmo.

Degmooyinka kala ah:- Qardho, Ufeyn iyo Eyl ee Maamulka Puntland ayaa dadweynaha ku nool waxay saaka u dareeray doorashada Golaha Deegaanka ee maamulkas.

Amaanka degmooyinka ay doorashada ka dhacayso ayaa aad loo adkeeyey waxaana la mamnuucay gawaarida noocyadooda kala duwan marka laga reebo kuwo ka qeyb qaadanaya doorashada.

Dadka ka qeyb galaya doorashada ama codkooda dhiibanaya ayaa waxay soo xaadireen saaka aroortii hore si ay codkooda u dhiibtaan.

Waxyaabaha saaka doorashada laga diwaan geliyey waxaa kamid ahaa Maamo waayeel ah oo xitaa aan soconkarin ayaa kamid ahaa dadka u taagan inay codkooda dhiibtaan, waxayna sheegtay inay weligeeda arkin doorasho codka la dhiibanayo sidaasna ay ku faraxsan tahay una soo baxday.

Doorashada Golaha Deegaank Puntland
Doorashada Golaha Deegaank Puntland
Doorashada Golaha Deegaank Puntland
Doorashada Golaha Deegaank Puntland