QM oo sheegtay in 1.5 milyan oo carruur Somali ah soo food saartay nafaqo-xumo ba’an.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qoondo cusub oo dhan 20 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo ka timid Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka halista ugu jira macluusha.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto musiibo ka dhalatay abaaro ba’an oo ku habsaday qeybo badan oo ka mid ah dalka.

“Dhowr goobood, waxaa kordhay khatarta macluusha, tiro badan oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran masiibo,” ayuu Abdelmoula.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa ah dalka ugu badan ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ugu yaraan 6.1 milyan oo qof ayaa ay saamaysay, kuwaas oo 771,000 ka mid ahi ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo carruur ah ay soo food saartay nafaqo-xumo ba’an, in ka badan 3,170 shuban biyood ah /daacuun iyo 2,460 xaaladood oo jadeeco ah ayaa la xaqiijiyay tan iyo bishii Jannaayo.

“Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u badan oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah aan kor loogu qaadin gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen,” ayuu yiri Abdelmoula.

QM waxa ay sheegtay in Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2022, kaas oo lagu raadinayo 1.5 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.5 milyan oo qof, uu helay kaliya 18 boqolkiiba dhaqaalaha loo baahan yahay (ku dhawaad ​​260 milyan oo doollar) laga soo bilaabo May 31-keedii in kasta oo baahida sii kordheysa.