QM oo taageertay howlgalka Cusub ee ATMIS Soomaaliya

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  taageeray oo soo dhaweeyay dhismaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay in taageerada hagar la’aanta ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, isaga oo muujiyay taageerada buuxda ee ATMIS iyo ciidamada amaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ayaa ku booriyay dhammaan dalalka bah-wadaagta la ah inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waara oo la siiyo howlgalka ATMIS-ka iyo agabka ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taageeraan is beddelka amniga ee dalka.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa rajeeyaynin uu si dhow ula shaqeeyo Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan bah-wadaagta si ay u taageeraan in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Guterres ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha la taaban karo ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu gaaray 15-kii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo ciidamada AMISOM iyo dalalka ay booliska ka joogaan Soomaaliya sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda Soomaaliya, waxa uuna u mahad celiyay dadkii bixiyay naf hurnimada ugu weyn.