QM oo war kasoo saartay xaaladda dadkii ka barakacay Magaalada Boosaaso

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hadal ka soo baxay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, oo uu kaga hadlay xaaladda dadkii ka barakacay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

” Waxaan aad uga walaacsanahay saameynta ay colaadaha ka socda Boosaaso ee Puntland ku yeelanayaan dadka rayidka ah ayuu yiri” Adam Abdelmoula.

” Waxaan aad uga walaacsanahay in dagaalku uu si xun u saameeyay awoodda wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada si ay u gaaraan dadka barakacayaasha ah ee u baahan gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin degdeg ah ayuu yiri” Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha waxaa uu ku booriyay dhammaan dhinacyada isku haya colaadda inay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay hubiyaan inay si aan xannib lahayn ay shaqaalaha bani’aadamnimada u helaan dhammaan dadka u baahan gargaarka.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabteen, ka dib dhaqan galka Xabbad-joojinta.

Sidoo kale, waxaa maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga ee magaalada kuwaasi oo hakad galay intii uu socday dagaalka, sida ay inoo sheegeen Ganacsatada.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso oo socday Saddex Maalmood oo xiriir ah ayaa la sheegay in kala bar dadka magaalada ay ka barakaceen guryahoodii. Sida laga soo xigtay la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada iyo maamulada maxalliga ah, ilaa 40 boqolkiiba 70,000 oo Barakacayaal ah oo lagu martigeliyay magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale la sheegay inay la kulmeen barokac labaad.