Qodobada ay isku fahmi waayeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee waan waanta fashiliyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalmihii la soo dhaafay waxaa jirtay waan waan hoose oo la doonayay in la dhameeyo khilaafka iyo xiisadda dagaal ee u dhaxeeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo ugu dambeyn natiijo la’aan ku dhamaaday.

Waan waanta oo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka Galmudug & siyaasiyiin ayaa waxaa la sheegay in Ahlusunna ay markii hore ogolaadeen dhowr qodob oo kala ahaa.

1: Inay Ciidankooda ka saaraan degmada Guriceel.
2: Inay celiyaan Gaadiidkii ay dhawaan ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.
3: In la soo celiyo Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug, kuwaas oo magaalada ka maqan.

Hayeeshee waxaa Xubno kamid ah dadka waan waanta waday ay sheegeen in Ahlusunna ay ka laabteen qodobadii ay ogolaayeen sababo la xiriira Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ee lagu daad gureeyay degaannada u dhow degmada Guriceel, iyaga oo kalsooni xumo ka muujiyay amnigooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad dagaal ay weli halkaasi ka taagan tahay, isla markaana Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaayo ka wadaan degaano u dhow degmada Guriceel.