26.3 C
Mogadishu

Qodobada ugu adag ee habraaca doorashada Aqalka Sare ee Galmudug.

8

Dhowr qodob ayuu ka kooban yahay Habraaca ay soo saareen Xildhibaanada Galmudug , waxaana ku jira in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay xubinta Aqalka Sare u dooranayaan Musharaxa ku guuleysta 3/2 tirada guud ee Xildhibaanada

Qodobada  waxaa kamid ah in hadii Musharax kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare uu tanaasulo, Musharaxa soo baxa ayaa loo codeynaa, isla markaana waxaa uu codka kalsoonida ku helayaa 50+1 Cod tirada guud ee Baarlamaanka.

Habraaca Doorashada Aqalka sare ayaa waxaa lagu xusay Musharaxii waaya kalsoonida Baarlamaanka Galmudug in dib loogu celin doono Madaxweynaha Galmudug, waana qodobka ugu adeg Habraaca Doorashada.

Qodobka ugu sii adag ayaa ah inuusan jiri karin musharax iscasila iyadoo taas meesha ka saareysa malxiisiinta musharaxiinta..

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waaberigii hore ee soo saaray Lix kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana doorashada lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri oo Khamiis ah.