Qof dumar ah oo markii ugu horreysay ku sime madaxweyne ka noqotay Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Markii ugu horeysay taariikhda dalka Soomaaliya, waxaa ku sime madaxweyne ka noqotay qof dumar ah, kadib markii ay dalka dibadiisa safaro kala duwan u aadeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Saakay waxaa dalka ka dhoofay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna garoonka Aadan Cadde shir kula qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji.

Madaxweynaha ayaa boqasho rasmi oo labo maalmood ah ku joogi doono Isutagga Imaaradka carabta.