Qoor qoor oo aqbalay hal qodob oo ay doonayeen Ahlusuna.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta bohol gaaray wafdi saraakiil uu hogaaminayo taliyaha ururka 6aad guutada lixdanaad ee xoogga dalka general aadan Abshir laba afle si ay waan waan uga bilaabaan tabashada siyaasadeed ee Ahlusuna qabto.

Xildhibaan Cali Dhoof & ganacsade Xaashi Carabeey ayaa ka qeyb ah wafdiga gaaray deegaanka bohol ee gobolka gal gaduud kuwaasi oo doonaya in xal laga gaaro dagaalkii ahlusuna iyo Galmudug dhawaan ku dhexmaray Guriceel.

Dhawaan Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in codsi loo soo jeediyey ay uga baxeen guriceel balse aysan jirin wararka sheegayey in awood looga saaray.

Sida muuqata madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor qoor) ayaa garwaaqsaday arinta wada hadal uu la furo Ahlusuna oo markii hore iyagu siyaasad ahaan doonayey in lala macaamilo.

Inkastoo general Abshir dhawaan dhuuso mareeb markii uu tegay la sheegay inuu cag marinta awooda ahlusuna loo keenay ayaa taas badelkeeda nabad siyaasadeed bilaabay inuu ka shaqeeyo iyo isku soo dhaweynta dhinacyadii dagaalka ku dhexmaray Guriceel.

Dagaalkii ka dhacay Labo isbuuc ka hor Guriceel ayaa geystay khasaaro iskugu jiray dhimasho,dhaawac iyo bur bur hantiyeed iyadoo afar cisho uu dagaalka socday kadib xilli habeen ah Ahlusuna wada hadal lala furay looga saaray magaaladaasi.