Qoor Qoor Oo Caawa Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Odayaasha Dhaqanka.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa caawa lakulmey odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Degamada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayo Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Macalin Cbdirahman Cali Maxamed (Geeda-Qoroow) ayaa waxaa go’aan looga gaarey 27-ka xubnood ee uu ka koobnaan doono Gollaha Deegaanka Dhuusamareeb.

Beesha ceyr ayaa la siiyey 20-xubnood oo ka mid xubnaha guddiga deegaanka halka beelaha kale ay qaybsan doona 7-xubnood oo kale.

Kulankan oo uu soo agaasime kana shaqeeyey Gudoomiye Geedaqoroow ayaa kusoo idlaadey in la dardar galiyo hannaanka dhismaha Gollaha Deegaanka, iyadoo la raacayo habraacan awood qaybsiga loo dhanyahay.