Qoor Qoor oo dardaaran adag siiyey Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug uga digay arrimo….

MUQDISHO-AYAAMAHA-Munsabad xalay ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug oo ay dhigteen maamulka Galmudug iyo Xildhibaanada cusub ee dhawaan la doortay ayaa waxaa looga hadlay islamarkaana diirada lagu saaray arrimaha Galmudug.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kusoo baxay Doorashooyinkii ka dhacay Dhuusamareeb & Gaalkacyo ka dalbaday in ay sameeyaan metalaad dhab ah marka ay ku biiraan Baarlamaanka Federaalka.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha DG Galmudug ayaa tilmaamay in Xildhibaanno qaadi kari mas’uuliyadda Dadka ay kasoo jeedaan la doortay, waxa uu tilmaamay in Doorashada ka dhacday Gaalkacyo ay ka duwaneed Doorashooyinkii kale ee guud ahaan Dalka ka dhacday.

“Sharaf bey noo wada tahay in 1968dii kaddib Doorasho ka dhacdo Gaalkacyo, Mar weliba waxa ay dad badan is lahaayeen Meel aan joojin ciidan badan oo Ajnabi ah sidee ayay uga dhici kartaa Doorasho balse waxa aan aaminsanahay in doorashadu lagu qabtay ay ka duwaneed doorashooyinka kale ee Dalka ka dhacay” Ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri“Ciidamada Booliiska, Daraawiishta & Xoogga Dalka waxa ay muujiyeen mas’uuliyad dhab ah oo ay ku xaqiijiyeen in Doorashadu ku dhacdo si amni ah, waa in aan u abaalgudnaa saraakiishii & ciidamadii ka shaqeeyay” ayuu yiri Axmed Qoor-Qoor.

Qoorqoor ayaa sidookale yiri “Xildhibaannadii labada la doortay hambalyo & bogaadin kaddib waxa aan idin leeyahay deegaannadiina la socda duruufaha & waxyaabaha ku xeeran iyo in Galmudug ayaad ugu timaadaan 4ta sano soo socota waxqabad aad sameyseen” ayuu yiri Qoor-Qoor.

“Sanadkaan waxaa la doortay Xildhibaannada labada Gole oo lagu jilba murxay oo sida la wada qiray ay yihiin Dad aad u sareeya oo Soomaali ka dhex muuqda Soomaali ka dhex muuqda, sida ay kusoo baxeenna anigu isku amaani maayo waxa aan qabaa kalsooni xubno iga aragti duwan oo isku meel aan siyaasad u wadin in ay usoo baxeen Galmudug, waxa aan aaminsanahay kala duwanaashiyuhu waa waqti kooban, waxgalnimaduna waa wax dheer, isku xirnaada oo door muuqda ka qaata Doorashada heer Qaran” ayuu yiri MW Qoor-Qoor.

DG Galmudug ayaa soo gabagabeysay Doorashada Xildhibaannad Golaha Shacabka oo ay Ku qabatay labada Deegaan Doorasho lagu xusay Heshiisyadii laga gaaray Doorashooyinka Soomaaliya oo kala ah Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo…