Qoor Qoor oo ka hadlay Xildhibaannadii maanta la doortay

9

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa u hambalyeeyay lixda xubnood ee maanta Golaha Baarlamaanka Galmudug u doorteen inay ka mid noqdaan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo ay Galmudug ku matalaan.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa u mahad celiyay Guddoonka iyo golaha Baarlamaanka Galmudug iyo guddiyada doorashada heerarka kala duwan sida habsamida leh ay u qabteen doorashada maanta.

Sidoo kale Xildhibaannada Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb waxaa u hambalyeeyay qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Lixda Senator ee ee Galmudug ku matalaya Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhamanatood soo baxay bilaa doorasho, waxaana dhamaan u tanaasulay musharaxiintii la tartameysay oo horey malxiis ahaan usoo qorteen musharaxiinta tanaasushay.