Qoor Qoor oo shaaciyay Qaar kamid ah liiska musharaxiinta Aqalka Sare

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay xilli dambe shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u soo celiyay qaar ka mid ah Senataradii hore ugu fadhiyay kuraasta Aqalka Sare halka uu dib u dhigey labo kursi oo ka mid ah kuraasta 8da ah ee laga soo doorto Galmudug oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

LIiska musharaxiinta ee la shaaciyay:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq