Qoor-Qoor oo wacad ku maray inay ka adkaan doonaan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa Gobolka uu yahay sidii dadka degaanka ee hubka qaatay ay ugala qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, Isla markaana ay ku guuleysan doonaan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab xilligaan kaliya u soo jeesteen in ay cid walba dilaan, balse waligood dadka Reer Galmudug ay ka guuleysan jireen dadkii soo weerara, wuxuuna Shacabka Galmudug ugu baaqay inay kacaan oo ay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye wuxuu sheegay in ka Galmudug ahaan ay garab taagan yihiin dadka la dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah inay soo gargaaraan dadka ay dhibaateeyeen Al-Shabaab