Qoorqoor Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Dalka

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya  Ambs James Swan, oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

Kulanka waxaa looga arrinsaday inta uu socday xaaladda guud ee maamulka Galmudug, dardar-gelinta amniga iyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Maamulkaas.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada Galmudug iyo Xubno kale.

kulanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray dardargelinta Arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.

James Swan iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Kismaayo, iyagoona halkaas kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe oo ay kala hadleen doorashooyinka dalka ka dhacaya.