Qoorqoor iyo Safiirka Ingiriiska kawada hadalay xaaladda dalka & doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa  Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Safiiradda Dowladda Ingiriiska ufadhisa Soomaaliya Danjirad Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiradda ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo  ee la xiriira khilaafka Farmaajo & Rooble iyo arrimaha doorashada dalka.

” Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha  UK ee Somalia KFoster, Waxaan ka wada hadalnay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee  Muqdisho iyo doorashooyinka. Waxaan xusnay baahida degdegga ah ee loo qabo in la soo gebagebeeyo doorashada inay tahay oo keliya xal macquul ah ayuu yiri” Qoor Qoor.

Dhankeeda Safiirka Somaaliya u fadhisa Ingiriiska Kate Foste ayaa waxaa ay Madaxweyne Qoor Qoor uga mahad celisay dadaalkooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka, waxaayna ugu baaqday inay dardar geliyaan.

Safiirada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadanayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyaga ugu baaqay in xaaladda la dejiyo, isla markaana doorashooyinka la dhameystiro.