Qoorqoor oo galabta booqday goobihii laga saaray Ahlusunna

Madaxwaynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa soo gaaray Degmada Guriceel oo shalay Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug si buuxda ula wareegeen kadib maalmo dagaal ah oo ay la galeen Ahlusuna.

Ciidamada Dawlada ayaa amniga Guriceel aad u adkeeyey iyadoo lasoo sheegayo in golaha wasiirada ay halkaasi kushiri doonaan.

Madaxwayne QoorQoor ayaa si gaar ah u booqanaya Xerada Ciidamada xoogga dalka ee Har-qaboobe, halkaa oo ay joogaan saraakiisha sare ee ciidanka iyo dhamaanba askartii ka qayb qaadatey howlgalka soo idlaadey.

Xildhibaano katirsan Federaalka,Wasiirada Galmudug & Xubno kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoor qoor ku wehlinayey safarka galabta uu ku tegay Guriceel.

22 cisho ayey Ahlusuna kusugnaayeen Guriceel inkastoo afar cisho ay dagaal wajaheen ayey dib ugu baxeen habeen hore kadib waan waan la sameeyey.