Qoorqoor oo go’aan geesinimo leh ka qaatay ‘Kursigii Qiyaamaha’ ee Xaaf iyo Cabdi qeybdiid

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska musharaxiinta labada kursi ee Aqalka Sare ee ka dhineyd maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay in labadan kursi ay ku tartami doonaan musharaxiinta kala ah.

Liiskan musharaxiinta ayaa waxaa laga reebay Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo hore mid ka mid ah labada kursi ugu fadhiyay iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hore u sheegay inuu musharax u yahay kursiga uu ku fadhiyo Qeybdiid.

1- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali iyo

2- Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa hore uga digey in laga reebo liiska musharaxiinta kursiga hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug.

Dhanka kale Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug kadib markii uu xalay Madaxweynaha Galmudug uu soo saaray liiska Musharrixiinta Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Maanta oo Arbaco ah iyo Maalinta Berito oo khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtiga soo socda la qabanayo doorashada.

labada kursi ee ka harsan Kuraasta Aqalka Sare ee lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku tartami doona Afar Musharax oo kala ah.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed.