Qoorqoor oo go’aan ka qaatay Villa Somalia lana saftay Ra’iisul wasaare Rooble

Villa Soomaaliya ayaa lagu kala guuray ka dib markii caaway uu baneeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Garabka Fahad iyo Farmaajo isla markaana uu ka saftay dhinac Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoor Qoor ayaa dhinacaan ugu guuray Culays kaga yimid Shacabka Gobolada Dhexe oo si weyn uga hor yimid Mowqifkiisa ku aadan go’aanadii Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay kiiska Ikraan Tahliil iyo Xilka qaadistiii Fahad Yaasiin, taas oo dhinacyadu ku kala fogaadeen. Balse caaway xal laga gaaray.

Madaxweynihii waqtiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kali ku ah qeybta Villa Soomaaliya, halka Saaxiibkii Fahadna uu ku xaniban yahay Dalka Turkiga.

Farmaajo oo dalka muddo ka badan afar soo hogaaminayay ayaa caaway cago la’aan ka ah saaxiibadii Siyaasadu isbartay.