Qoraal xasaasi ah:- Fahad Yaasiin Milkiilihii Musalafay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Fahad Daahir Axmed ama Fahad Yaasiin Qoraagii farta ka xirnaa ee Qoraaladiisa ku karbaashi jiray madaxda iyo shaqsiyaadka caadiga ah kuna faafin jiray badankooda Website-ka Somalitalk, Suxufigii faafiyey maqaallada “I dooro aan ku dayacee, I dooro aan ku dilee iyo I dooro aan ku dayaco oo ku dilee” oo uu ku muujinayey aragtidiisa ku aaddan Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in isaga maanta wax laga qoro la yaab iyo wax cusub ma aha, sidaas awgeed waxa aan ciwaankan u doortay in aan dhowr erey ka sheego dhaqanka iyo aragtida Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo Nabadgelyada Qaranka.

Maqaalkani kuma saabsana Sooyaal iyo Taariikh balse waxa aan si gaar ah u taabanayaa hab dhaqanka iyo aragtida siyaasiga ah ee Fahad laga soo billaabo 2017; oo ah sanadka ay hashiisu dhashay islamarkaana uu ka soo dhex muuqday xukunka dalka iyo si gaar ah madaxtooyada iyo NISA.

Soo muuqashada Fahad Yaasiin; ee xukunka iyo talada Dalku ma ahayn wax weyn oo dhacay isagana kuma ahayn fajac, sababta oo ah dhowr mar ayuu iskudeyey in uu galo siyaasadda islamarkaana helo xilal sare hayeeshee ugu yaraan 3 goor ayuu ku fashilmay iskudaygaas, sidaas daraadeed qiyaastii 2005;  ayuu helay xiriirka iyo shaqada Telefeshinka Aljasiira oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana ku lammaansan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, shaqadaasi waxa ay Fahad u fududeysay in uu dhexgalo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar saaxiib iyo xiriir gaabanna ka helo sirdoonka Qatar oo caan ku ah la macaamilidda kooxaha hubeysan iyo ka shaqeysiga arrimaha murugsan, sanadkii xigay ayaa xiddigiisu bidhaamay! Waa 2006; dagaalkii u dhexeeyey Maxkamadihii midoobay iyo hoggaamiye kooxeedyadii Xamar ayaa qarxay, sidii ay u dhacdaba Maxkamadaha ayaa u haray Caasimadda hayeeshee Dowladda oo fadhigeedu ahaa Baydhaba ayaa dareentay dhibaato Nabadgelyo oo ku soo fool leh sidaas daraadeed waxa ay dalbatay ciidamo shisheeye oo howshoodu tahay in ay illaaliyaan dowladda.

2006-2008; Fahad isaga oo sita magaca Suxufi hayeeshee kamid ah indhaha Sirdoonka Qatar ayuu sida ay rabto Qatar; u tebinayey  dagaalladii iyo xasaradihii ka dhacayey dalka, sidaas ayuuna ugu shaqeynayey Aljasiira ilaa 2011, waxa uu kaqayabgalay ololaha doorashooyinkii madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo ka dhacay Muqdisho September-2012, wagaas waxa uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Xasann Sheeekh hayeeshee kama helin xilkii iyo mansabkii uu ku hamminayey sidaas daraadeed 2012 waxa uu diiday in uu kamid noqdo golaha Wasiirada ee xukuumaddii RW Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Sida ay qabaan saaxiibadiisii xilligaas Fahad; waxa uu saluugay xilka iyo habka loo maamuusay! Isaga oo taas ka shidaal qaadanayana waxa uu galay olole kale oo ka dhan ah xukunkii madaxweyne Xasan Sheekh, 4; sano kaddib waxa u suuragashay in uu ka faa’iideysto xiriirka kala dhexeeyey sirdoonka Qatar, waxa uu Qatar ka iibiyo taageeridda Siyaasadda iyo ololaha Maxamed Farmaajo; kaas oo si Xaqiiqada iyo Waaqica ka fog loogu saleeyey Waddaniyadda iyo Shisheeye Nacaybka! Balse dadka Soomaaliyeed ay dib uga caddaatay in Farmaajo qiyaanay dadka iyo dalka kaddib markii uu muwaadin Soomaaliyeed u dhiibay Safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho islamarkaana gabbaad siiyey 4 eedeysane oo loo haystay in ay kulug lahaayeen Afduubka iyo dilka Ayaan Tahliil Faarax.

Sida ay daabacday Newyork times; Fahad waxa uu kalsooni iyo xiriir ku dhisan duminta Nidaamka tala-wadaagga iyo Federalka Soomaaliya la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo; taasina waxa ay u sahashay in uu kaalin ku yeesho go’aanada waaweyn ee quseeya dalka! waana taas sababta uu dagaal qaawan ugu qaaday dhammaan dowlad-goboleedyada diiday in ay u hoggaansamaan rabitaanka iyo aragtida Qallafsan ee qabta in qof walba oo diida ama kahoryimaada habdhaqanka Fahad iyo Farmaajo la dilo ama laga eryo dalka.

Maxaa u furan Fahad; kaddib guuldarradii Farmaajo?

Isaga oo aad u xanaaqsan islamarkaana uu ka muuqdo Niyad-jabka ka dhashay guuldarradii 15-May-2022; ayuu la hadlay Youtuber-ka sita Magaca Gayland Media oo aan ka diiwaangashanayn Soomaaliya, waxa uu u sheegay dhowr sheeko oo ay kamid ahayd sida uu u arko taliyaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Sirdoonka Soomaaliya, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay in Xildhibaan Mahad Salaad qabto xilkaas.

Fahad Daahair Axmed (Fahad Yaasiin) sida muutaqa mustaqbalkiisii siyaasadeed ee Soomaaliya waa dhammaaday! Intaasna waxaa u dheer dhibaatadii guud ee kooxdiisii ugu tagtay dalka kuwaas oo ugu sii jiraya Keydka taariikheed ee siyaasadda dalka.

5; sano oo uu isu arkayey Waxsheegga siyaasadda Soomaaliya kaddib maanta waxa isaga oo eedeysan islamarkaana ay adag tahay in u uku noqdo noloshiisa caadiga ahayd dakanooyinka siyaasadeed ee uu galay awgood haddana waxa uu u furan dhowr kaladoorasho kuwaas oo aan middoodna u adeegi doonin in uu dib ugu soo noqdo siyaasadda iyo maamulka dalka.

In uu dalka jooga isaga oo mucaarad ah!

Waa sida uu hadda doortay islamarkaana ay kooxdiisu bilowday kahor caleemasaarka madaxweynaha, waana adag tahay in ay sii socoto, sababta oo ah xilligan waxaa qoyan dhibaatadii iyo eedihii ay geysatay NISA oo uu hayey xilka ugu sarreeya, waxaana suuragal ah in garsoorkku ku furo dacwad ciqaab ah oo sii burburisa haddiiba ay wax u dhaqan yihiin.

In uu kku noolaado Qatar ama Turkiga

Caqabado ayaa ka jira xilligan ku noolaanshaha Qatar, sababta oo ah Qatariyiintu waxa ay wadaan qorshe ay isaga beriyeelayaan xiriirkii iyo maalgelintii ay ku lahaayeen xukkunkii Farmaajo, sidaas awgeed Qatar waxa ay intii ay awooddo iska fogeyneysaa madaxdii saree e xukuumadii Farmaajo.

Turkiga oo isu arka in uu abaal ku leeyahay Soomaaliya sidaas oo kalana ay illaa xad aad u hooseysay taageerada gaar ahaaneed ee uu siinayey Farmaajo ayay suuragal tahay in Fahad ku noolaado ama uu dego.

5; sano kaddib Fahad Yaasiin; waa Milkiile Musalafay oo ka farabadan Saaxiib siyaasadeed iyo xukun dowladeed, marka la qiimeeyo sidii uu u dhaqmayna aad ayay u Rejo yartahay in uu si sahlan uga mid noqdo  Siyaasadda iyo maamulka Soomaaliya.

WQ: Avv: Ahmed I. Gutale