Qorshaha 1aad Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu daray sii deynta Abu Mansuur

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaan ahaaan Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in xabsiga looga sii daayo Sheekh Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Madaxweynaha la doortay Soomaaliya saacado ka hor Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu shaqada ugu horeeya uu qabanayo ku darsan doonaa sida la fahamsan yahay sii deynta Abu Mansuur.

Rooboow ayaa la xiray 2018-kii xilligaas oo laga soo qabtay Baydhabo isagoo utaagnaa xilka madaxweynaha KGS balse Farmaajo iyo xukunkiisa ayaa xilkaasi uboobay Cabdicasiis Xasan Lafta gareen.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saran soor) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka 11aad ayaa rajo ka muujiyey in dhawaan dib xoriyadiisa uheli doono Rooboow oo lagu soo dhaweyn doono Baydhabo janaay.

Xubnaha ka ag dhaw Xasan Sheekh ayaa sidoo kale laga soo xigtay warkaan sheegaya in Abu Mnasuur laga sii deyn doono xabsiga,sidoo kale Xasan Daahir Aweys oo la xiray Dawladii Xasan Sheekh 2014-kii ayaa isna lasii deyn doonaa sida la filayo.

Waxyaabo dhowr ah ayaa laga sugayaa Xasan Sheekh oo ay ku jirto jidadka dhagaxda shubka lagu xiray ee weli shacabka loo diido inay isticmaalaan,sanadihii Farmaajo joogayna sidaas loo xiray.