Qorshaha Horumarinta Qaranka oo maanta Muqdisho lagu daah furay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa daah-furay dib u eegista muddada dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta iyo maal-gashiga XFS.

Qorshahan oo ku salaysan casharrada laga bartay qorshayaashii horumarinta qaranka ee hore ayaa Dawladdu waxa ay diyaarisay oo ay hir-gelisay qorshaha horumarinta Qaranka (2020-2024).

Qorshahan ayaa waxaa aasaas u ah afar-tiir oo kala ah; siyaasad loo dhan yahay, amniga iyo sarraynta sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta.

War-bixintan ayaa ku salaysan qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan horumarinta bulshada iyo in dalkeennu gaadho isku-filnaansho dhaqaale.