Qorshaha Militari ee Faranaiiska Britain iyo Maraykanka la damacsan yihiin Itoobiya iyo kulanka Golaha Ammaanka.

Secretary-General António Guterres (at podium) addresses the opening of the general debate of the General Assembly’s seventy-sixth session.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa loowaxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah ay kulan isugu yimaadaan, kaas oo ay kaga Arinsanayaan xaaladda dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa codsaday dalalka Faranaiiska Britain, Maraykanka, Norway iyo Dalal kale oo ka tirsan Yurub.

Degaano badan oo kuyaalla Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogga TPLF iyo xulafadooda.

Beesha Caalamka ayaa Isha ku heeysa xaaladaha iyo dagaalada ka socda Itoobiya, iyada oo labada dhinac ee dagaalamaya ay ka dhega adeegeen baaqyadooda.

Dalalka Faranaiiska Britain, Maraykanka, Norway iyo Dalal kale oo ka tirsan Yurub ayaa waxay dmaacsan yihiin in ciidamo farageliya dagaalka ka socda Itoobiya ay  u diraan Itoobiya.

Reer galbeed oo uu horkacayo Maraykanka ayaa la sheegaa inay la safan yihiin kooxda TPLF, iyagoo raba inay meesha ka saraan Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Abiy Axmed.