Qorshaha Xasan Sheekh ee la dagaalanka Musuq maasuqa oo ujeedkiisa la ogaaday

MUQDISHO AYAAMAHA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaanahan waday qorshe lagula dagaalamayo musuq maasuqa ka jira dowladiisa, taasoo oo loo xiray agaasimiyaal iyo howl wadeeno badan iyagoo lagu eedeeyey inay lunsadeen hanti dadweyne.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay haatan billowday dowladda Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa wuxuuna xusay in la doonayo kaliya in la ceebeeyo dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse aan waxba ka jirin.

Agaasimaha ayaa sheegay in haddii uu dhab yahay dagaalkan in loo baahan yahay in baaritaanka laga soo bilaabo muddo xileedkii 2012-kii oo uu tilmaamay inuu jiray khaladaad badan, isla-markaana la dhacay xoolo dadweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan agaasime Koofi ayaa shaki badan abuurtay waxaana lagu kalsoonaan karin la dagaalanka musuqa ee dowladda Xasan Sheekh, sababtoo ah baaritaanka lagama billaabin 2012kii ama dib u doorashadiisa kadib 2022ka. Dadka baaritaanka lagu billaabay dhamaantood waa dadkii la shaqeynaayey dowladdii Madaxweyne Farmaajo waana sababta aan lagu kalsoonankarin baaritaanka musuqmaasuqa.