Qorshahii musharaxnimo ee u qarsoonaa Saciid Deni oo la fashiliyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Qoraheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa si adag u weeraray Madaxweynaha Puntland Saciid Deni isagoo ku eedeeyay in uu dib u dhigayo murashaxnimadiisa, isla markaana uu doonayo in uu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha kuraasta Puntland.

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay waxa uu ku sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland uu daahiyay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo si uu saameyn ugu yeesho una maamulo doorashooyinka ka dhacaya Puntland, odayaal beeleedyada, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka.

Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in uu faraha kala baxo guddiyada doorashooyinka haddii uu doonayo inuu dalka madax ka noqdana uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

“Iyadoo Saciid C/llaahi Deni uu daahiyay ku dhawaaqida musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho una xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya puntland, odayaasha beelaha, wakiilada iyo musharaxiinta baarlamaanka ayaa dhamaantood muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay, cagajugleynta iyo faragalinta uu ku hayo doorashada” ayuu yiri wasiir Jamaal.