Qorshe lagu qaarijin rabo Ra’iisul Wasaare Rooble oo socota.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal lagu baahiyey barta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in hay’adda nabadsugidda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA ay heleen xog la xiriirta, in Al Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, waxana xogta la wadaageen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

Ha’adda nabadsugidda ayaa qoraalkooda ku magcaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, hase ahaatee ay hay’addu ku dabo jirto.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah xubin sare oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahinta la wadaagay halis amni oo ka dhan ah, taasi oo ku aaddan in horay ay u soo gaareen Hanjabaado ku aaddan kuraaska tirsan Golaha Shacabka, sidoo kale Rooble ayaa warbaahinta la wadaagay in uu hayo farriimo hanjabaad ah oo loo soo diray uuna hayo.