Qorshe Madaxweyne Farmaajo looga mamnuucayo inuu u tartamo xilka madaxtinimo oo socota.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa soo bandhigay qorshe ah in madaxweyne farmaajo laga qaado xilka uu haayo hada haayo oo ay sheegeen inuu sharci daro ugu fadhiyo.

Sababta ay qorshahaan u wadaan ayaa musharaxiinta waxay ku sheegeen in Farmaajo uu ciidamo soomaali ah ku dagaalgeliyey wadan shisheeye.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu aad uga walaacsan yahay xaaldda iyo wararka la xiriira dhalinyaradii tababarka ciidamada loogu diray dalka Eriterea, ka dibna la soo sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacaayey gobloka Tigre.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale “Wararka la xiriira joogitaanka dhalinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaraamada Midoobay iyo madax ka tirsan dawldo calami ah oo u kuur galay dagaaladaas” ayaa warsaxaafadeedka lagu qoray.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay “Waxaan umaddda Soomaliyeed la qeybsaneenaa in dhacdadaan ay tahay mid aan la iska indha-tiri karin oo ay mas’uuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ugu dambeyn midowga musharaxiinta ayaa soo jeediyey in Farmaajo aan u tartami karin xilka madaxweynenimo lagana qaado xilka uu hada haayo oo ay sheegeen inuu sharci darro ku haayo.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka in uu i) iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrda ku joogo; ii) in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale; iyo iii) in laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar kale ka qabto dalka.”