Qorshihii Farmaajo ee doorashada oo hirgalay iyo Yaasiin Farey oo ku guuleystay kursiga Hop#067

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dooarasho la sii ogaa cida kusoo baxaysoa oo ka socotay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa waxaa ka dhacday Magaaladaas.

Yaasiin Cabdullaahi Farey Agaasimaha KMG ah ee NISA ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#067 ee golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya isagoo kaga guuleystay tartanka Maxamed Cali Culusoow.

Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow uu isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan oo muran badan dhaliyey ayaa odayaasha Beesha waceysle cabasho ka keeneen balse looma joogin cabashada Odayaasha Lakin Yaasiin Fareey ayaa ku fariistay lama ogo natiijada ka dhalan karta doorashadiisa kursigan.

Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP#43, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.

Ilaa iyo hada qaabka ay wax u socdaan ee doorashada waa qaabka uu rabay Madaxweynaha talada haaya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waana qorshe marhore la sii dejiyey.