Qorshihii soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka oo la isla meel dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha kula dardaarmay odayaasha dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi.