Qorshihii Villa Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo Caqabad ka taagan iyo Guul darro Cusub.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga iyo Siyaasada Gobolka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) oo shir jaraa’id ku qabtay gobalka Gedo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadii guracaneyd ee Nabad iyo Nolol ku qaladay.

Macalimow ayaa waxa uu sheegay in Gobalka Gedo uu hoostgao Jubbalnad islamarkaana uu madaxweyne u yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam Axmad Madoobe, waxaana uu sheegay inuu sharciyad u heysto midaas.

“Gobolkan Gedo wuxuu hoostagaa State-ka Jubbaland, waxaa Madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, nin diidan iyo nin ogolaada isaga ayaa Madaxweyne u ah, marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay, waxaa nagula leexiyay wax sharci darro ah, wixii aan ku shaqeynayay wax sax ah ma aheyn”

Waxa uu Gudoomiye Macalimow sheegay in isaga iyo rag kale lagu leexiyay sharci darro waxaana uu tilmaamay wixii khilaafka keenay oo ay ku shaqeeynayeen ineysan aheyn wax sax ah isagoo xusay iney aheyd wax ilaahey xaalkeeda ogyahay in maamulka Villa Soomaaliya ay ku heshiiyeen in gobalka ay go’doomiyeen.

Gudoomiyaha ayaa ilaah oga mahadceliyay in uu ka soo baxay gacanta Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxaana uu u mahadceliyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada oo heshiis ka gaaray arrimaha doorashada.

Dhanka kale waxa uu Macalimow hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay kuraasta taala Gedo oo dhan 16 kursi isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan in halkaan loogu qabto six iyo cadaalad ah islamarkana ay maamuleyso dowlad goboleedka Jubbaland.