Qoyska Ikraan Tahliil oo go’aan ka qaatay guddigii uu magacaabay Farmaajo

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ee dilkeeda lagu tuhunsayahay NISA.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hooyada dhashay Ikraan Qaali Mahamuud ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn guddigii baaritaanka uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo caddeysay inay ku qanacsan tahay dacwada ay Maxkamadda Ciidamada u gudbisay.

Qaali Maxamuud ayaa waxa ay sheegtay in Farmaajo uu ka soo horjeedo in kiiskeeda ay maxkamad qaado uuna wadooyin kala duwan u soo maray.

“Waxaan uga digayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo kiiska gabadheyda ee Maxkamada Ciidamada horyaal,haddii uu ka hari waayo kiiskaan waxaan ka dacweyneynaa maxkamadaha dalka iyo dibadiisaba.”ayay tiri Qaali Maxamuud oo indhaheeda ay illin ka da’ayso xilli ay wareysi siisay caawa Taleefishinka Universal.

Sidoo kale Marwo Qaali ayaa uga digtay Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska Ikraan.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ee dilkeeda lagu tuhunsayahay NISA.