R/W Rooble oo garab istaag ka helay qeybaha Bulshada iyo Midowga Musharaxiinta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay falalka uu ku kacay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka u degsan.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in wareegtadan ay tahay mid lagu carqaladeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in baaritaan daah furan iyo cadaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

Sidoo kale baraha bulshada ku xariirto ayaa waxaa aad  looga hadal hayaa khilaafka Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaan si weyn loogu taageeray talaabooyinka uu qaadayo Rooble, waxaana lagu tilmaamay inay tahay middii loo baahanaa.

Madaxweyna Farmaajo ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu ahaa mid aan laga dabahadli karin, qofkii kasoo horjeesto hadalkisa haddii uu yahay masuul dowladeed waxaa laga qaadi jiray xilka uu haayo.