R/W ROOBLE oo ka hadlay xaalada dalka iyo khilaafka isaga iyo Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabadda hadal-jeedinta musharixiita Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka haatan kala dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

“Xaaladda dalka Alxm maanta meel fiican ayuu marayaa doorashaan ku jirnaa carab iyo ilkaa isugu dhow khilaafaad waa iska yimaadaan, laakiin wax weyn ma’ahan wax kasta waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka iyo nabad-gelyada,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in is-qab-qabsigan siyaasadeed iyo khilaafka jira uu soo dhammaan doono, marka ay hagaagto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Khilaaf kasta iyo is-qab-qabsi kasto wuxuu dhammaanayaa, marka ay doorashadan noo hagaagto,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaciyey inuu weli cadaalad u taagan yahay, uuna ku dadaali doono cadaalad u helida qoyska Ikraan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu markale yiri Rooble.

Hadalkaan ayaa u muuqda in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu yahay mid adag. Sidookalena kiiska Ikraan Tahliil uu meesha kasiibaxayo oo ilaa hada aan wax natiijo ah laga gaarin.