Rabshado ka dhashay doorashaddii ka dhacday Somaliland

HARGEYSA-AYAAMAHA-Dad kasoo horjeeda natiijada doorashada golaha degaanka Gebilay ee la shaaciyey xalay goor dambe ayaa xirtey wadada xiriirisa Gebilay iyo Hargeysa, gaar ahaan tuulada Carro-yaambo oo dhacda duleedka degmada Arabsiyo.

Dadka oo isugu jira Rag iyo Haween ayaa waxaa ay taayaro ay gubeen iyo dhagxaan waaweyn ay ku xireen wadada dhex-marta bartamaha deegaanka Caro-yaambo ee duleedka Degmada Arabsiyo, iyaga oo u diidaya dadka & Gadiidka inay maraan.

Dadka banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ka careysan yihiin in uu doorashada kusoo bixi waayay Musharax ka sharaxnaa xisbiga UCID  ee Degmada Gabiley , iyaga oo sheegay in doorashada la musuq maasuqay.

Inta la ogyahay, waa diidmadii iyo rashadihii ugu horeysay ee ka dhasha doorashooyinka Somaliland.