Rag Hubeysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Weerar Ay Ku Qaadeen

MUQDISHO-AYAAMAHA-21 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Ronzur ee dhaca  bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Guddoomiyaha gobolkaas  ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen xubno ka tirsan koox fallaago ah oo kasoo jeeda dalka Uganda.

Guddoomiya ayaa intaas ku daray in dadka dhintay ay ku jireen toban haween ah, waxaana dhaawac soo gaaray 12 kale oo haween ah.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, waxaa ka dhaca weerarada ay geystaan kooxaha hubeysan, waxaana ku dhintay kumanaan qof oo rayid ah tan iyo 2014-kii