Rag Ka Dambeeyay Dilal Ka Dhacay Degaano Ka Tirsan Mudug Oo Gacanta Lagu Dhigay

Rag Ka Dambeeyay Dilal
Rag Ka Dambeeyay Dilal

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Howlgal socday muddo 8 bari ah ayaa  lagu soo gaban gabeeyey degaanka dhagtuur ee koofurta gobolka mudug, ka dib markii gacanta lagu dhigay 7 ruux oo ah dambiilayaashii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay degaanka dhagtuur iyo degaanada hoos yimaadda  kuwaas oo ciidamada amniga ay baadi goobayeen maalmihii la soo dhaafay.

Saraakiil Ciidan ayaa ku warramay in maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidanka amniga baadi-goob ugu jireen shaqsiyaadkaan gacanta lagu dhigay, waxaana sidoo kale howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah waalidiinta ragga falalka geystay ee la raadinayay.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu soo qabtay qaar ka mida ah walidiinta  dambiilayaasha la raadinayo, ka gadaal markii ay ka baxsadeen degaanada howlgalku ka socday.

Waxaa howlgalkaan hoggaaminayay Senatoro iyo gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Dhammaan dadka lagu qabtay howlgalka laga sameeyay degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Degaanka Dhagtuur ayaa waxaa dhowr jeer oo horey dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka degaankaas, waxaana Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii  ka dambeeyay falkaas dhacay oo salka ku haayay aano beeleed.