Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo la xukumay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukun ku riday rag loo heysto dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay 21-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Maxkamadda Ciidamada ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheeegay in kiiskaan uusan aheyn ku talo-gal balse uu ahaa Shil dhacay, waxaana Maanta ay Xukun ku riday Saraakiil & Askar loo heysto dilkaas, kuwaas oo uu xukunkooda u dhacay sidatan.

Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed oo lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sababo la xiriira in uu ka gaabiyay howlihii loo igmaday & baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa, Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo 5 Sano lagu xukumay, halka min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay, Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax, & Kulmiye Kaariye Cali.

Maxkamada ayaana saakay ku dhawaaqday in Dilka gudoomiyuhu ahaa shil dhacay, balse uusan aheyn mid ku-tala-gal ah.