Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka dagay Garoowe

GAROWE-AYAAMAHA-Magaalada Garowe waxaa maanta ka dagay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminaayay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa halkaas ku qaabilay kuna soo dhaweeyay weftigan uu hoggaaminaayay ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya.

Mahdi Guleed ayaa Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeysay lagu qabanayo Soomaaliya, waxaana shirkaas ka baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo lagu casuumay.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaano badan oo la socday ayaa gaaray Magaalada Garoowe, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa lagu casuumay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo qaarkood tegay Caasimadda Puntland iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Jubbaaland Qoorqoor iyo Axmed Madoobe oo halkaas tegay.