Ra’iisal wasiirihii dalka Pakistan oo xilka laga tuuray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida kaddib marki baarlamaanka dalkaas aqlabiyaddiisii ka codaysay hoggaamintiisa.

Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.

Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra’isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.

Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra’isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Pakistan waxay sheegeen shaqsiga badali karo Cimraan Khaan inuu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.

Daqiiqado ka hor inta aysan codbixintu bilaaban, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan – oo xulafo la ah Mr Khan – ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.

Xubno ka tirsan xisbiga Mr Khan (PTI) ayaa isaga baxay dhismaha, iyagoo ku adkeystay inuu dhibane u yahay shirqool caalami ah oo la soo maleegay.

Qofka Ra’isal wasaaranimada loo doortaa dalkan wuxuu xilka sii haynayaa ilaa bisha October 2023-ka, xilligaas oo ay doorashada xigtaa qabsoomeyso.

Cimraan dhankiisa wuxuu sheegay inuusan aqoonsan doonin dowlad mucaarad ah, isaga oo ku doodaya tallaabbada baarlamaanka uu codka ugu diiday in ay tahay Shirqiool uu Mareykanka hoggaaminayo.

Inkasta oo Mareykanka eeddaasi ay dhinac isaga dhigeen ayna sheegeen Mr Khan inuusan eedda uu soo jediyey wax caddeyn ah uuu haynin, haddana maxkamadda sare ee dalka Pakistan toddobaadki hore toddobaadki hore waxay xukuntay Mr Khan inuu dhaqmay si aan waafaqsaneyn dastuurka dalkaasi kaddib marki uu isku dayay inuu hor istaago codka kalsoonida oo uu kala diray baarlamaanka.