Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad-celiyey ciidamadii sugayay amniga shirkii Wada-tashiga Qaran

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahad celiyey ciidamada amniga ee u taagnaa sugidda Amniga Shirkii Wada-tashiga Qaran ee shalay lagu soo gabo-gabeeyey magaaladda Muqdisho.

“Waxaan mahad aad u ballaaran u jeedinayaa Ciidammada Amniga ee maalmaha badan qorraxda iyo dhaxanta u taagnaa sugidda Amniga Shirkii Wadatashiga Qaran ee Shalay guusha noogu soo idlaaday”

Wuxuu sheegay inuu ku faano ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku sheegay geesiyaal ay Umaddu ku gama’do, wuxuuna ugu baaqay inay sii labalaabaan degdaalkooda ku aaddan sugidda aminiga guud ee dalka.