Ra’iisul Wasaaraha UK oo guursaday gabadh u dooneyd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa guursaday gabar u dooneyd oo la yiraahdo Carrie Symonds kadib xaflad aroos ah oo si qarsoodi ah loo qorsheeyay oo ka dhacday kaniisad ku taalla Westminster.

Xafladda aroos ah oo ay dad yar kasoo qeybgaleen ayaa shaley duhurkii lagu qabtay halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu intaas ku daray in lamanahan ay qabsan doonaan xaflado kale oo lagu xusayo arooskooda oo ay kasoo qeybgeli doonaan qoyska iyo saaxibada.

Wuxuu noqonayaa Ra’iisul Wasaarahii ugu horreeyay ee aroos gala isaga oo xilka haya ku dhawaad 200 oo sano.

Wargeyska The Mail ayaa ku warramay in 30 qof lagu martiqaaday arooska Ra’iisul wasaaraha-waana tirada dadka loo ogolyahay inay ka qeybgalaan aroosyada sababa la xiriira ka hortagga safmarka Karoona awgii.