Raiisul Wasaaraha Uk oo ka hadlay musiibada Dabka ee suuqa Hargeysa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa, waxaa uu sheegay in Somaliland ay siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan”ayuu yiri Boris.

Dhanka kalebXoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.