Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo meel fagaaro ka sheegay arrin dhibaato ku haysa Gobolka Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa noqday masuulkii ugu horreeyay ee aan degaan doorashadiisu ahayn Muqdisho ee ku dhiirada inuu goob fagaare ah ka sheego in Dowladdu kaliya canshuurto caasimadda.

Isagoo hadal ka jeedinayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenku sheegay in dhaqaalaha gudaha ka soo gala Dowladda uu ka yimaado Muqdisho.

“Gobolka Banaadir xuquuq ayuu leeyahay, matalaad in uu helo ayuu u baahan yahay, waana in dastuurka lagu sugu maqaamkiisa, haddii aad maqashaan dhaqaalihii ayaa kobcay waa canshuurka gobolka Banaadir ka soo xaroota”, ayuu yiri RW ku xigeenku.

Saalax Axmed wuxuu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in maaliyiinta ruux ee ku nool gobolka Banaadir ay helaan xuquuqda ay xaqa u leeyihiin, wuxuuna xusay in howlaha hor yaalla Xukuumadda ay ka mid tahay in Caasimaddu hesho maqaam iyo matalad rasmi ah.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay waajib tahay in Gobolku helo xuquuqdiisa lana joogo xilligii dadka caasimaddu xor u noqon lahaayeen in ay doortaan dadka hoggaaminaya.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay rajeyneysaa in dadkiisu doortaan maamulkiisa, afarta sano ee aan joogno ayaan ku han-weynnahay in taasi hirgasho oo dadku santuuqyo ugu codeeyaan guddoomiyayaashooda”, ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay si rsmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha kaasoo uu Saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cumar Finish oo muddadaas adeege gaar ah u ahaa MW hore Farmaajo.