MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna u kuurgalayaa xaalada nololeed iyo mida amni ee degmada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarka waxaa ku wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda
Booqashadan ayaa u jeedkeedu yahay u kuurgalida xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Safarkaan Rooble ku tagay Balcad ah ayaa ah safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago degmada, iyadoo degmada Balcad ay la daala dhacayso Amniga darro iyo xaalada Bini’aadinimo.