Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhammaan maamul goboleedyada oo halmar looga yeeray Sacuudiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  xilgarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan safar ku tegi doonaan dalka sacuudiga Carabiya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Dowladda Sacuudiga ay casuumaad u fidisay Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, waxaana qaabili doona Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sidan oo kale 2016 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii Maamul Goboleedyada Soomaaliya, iyadoo kala hadsashay isbeddel laga sameeyo Soomaaliya doorashadii 2017.

In kastoo an sirasmi ah loo helin waxyaabaha dowladda Sacduuiga ay kala hadli doono Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa hadana waxaa ay u badan tahay inay kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka.

Waxaa muuqata in Boqortooyada Sacuudiga ay markaan diyaar u tahay iney toos u farageliso siyaasadda Soomaaliya oo uu xumeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa xulufo ka dhigtay dowladda Qatar taa oo dhaqaale aan caadi aheyn ku maalgelisay afartii sano ee uu joogay si uu ugu fuliyo danaheeda siyaasadeed.