Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo kulan yeeshay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Beesha Caalamka sida uu diyaar uga yahay in doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay inay dalka ka dhacdo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka uu Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Warbixin la xiriirta diyar garoowga qabsoomida shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho 20-ka Bisha May.

Sidoo kale Xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan shirka wadatashiga doorashooyinka, isla markaana ay taageerayan.

20-ka Bishaan May oo ku aadan Khamiista soo socota ayaa waxaa la filayaa in Magalada Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga doorashooyinka,si heshiis looga gaaro bilabiada Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.