Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar Adag siiyay laamaha Amniga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble ayaa kulan la qaatay laamaha amniga dalka, waxaana uu hay adaha ammaanka faray la adkeeyo ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan ka Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale Saraakiisha laamaha amniga faray in la dar dar galiyo sugidda ammaanka, waxaamna si gaar ah uu ugaladardaarmay aminiga guud ee doorashoooyinka dalka,kuwaasi oo Maamulada qaar si rasmi ah uga billawday.

Kulanka oo ka qabsoomay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa  Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu  kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Xijaar, kuxiigeenkiisa Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud ( Qaroole) , Taliyaha qeybta Booliska Garoonka Aadan-Cadde & Xubno kale.

Kulankan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la qaatay laamaha Amniga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu u duulay Maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata.