Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar dul dhigay Guddiyada doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga ee Aalada zoomka shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

“Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadku Waxa ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waa in ay si hufan oo caddaalad ah u maamulaan doorashada iyo xallinta murannada ka dhasha, si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo caddeynaya cid walba in kaalinteeda doorashada”

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan ka aqbaleyn guddiyada hufnaanta la’aanta doorashada maadaama ay kordheyn cabashooyinka la xiriira doorashada, wuxuuna ku amray in aysan qaban karin doorashada kursi ay cabasho ka taagan tahay.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay kordheen cabashooyinka laga muujinayo doorashooyinka Golaha Shscabka ee laga bilaabay degaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

“Waxaan ku boorriyay in aysan cid gaar ah u eexan, qaadan kaalin aysan lahayn, xoojiyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, isla markaana aqbalin faragelin sharciga baal marsan, si doorashada ay maamulayaan u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa shalay kulan waqti dheer qaatay la yeeshay Midowga musharrixiinta oo walaaca ugu badan ee doorashooyinka muujinayay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu kulan khadka internet-ka ah uu la qaato Golaha wadatashiga Qaran